Allbanaadir.com
NEWS

Shisheeyaha oo la isu dulleeyo dantoodana loo fuliyo dad baa u arka Sharaf !!!

Waddanka Mareykanka waxaa ka jiray labo nooc oo addoomo ah. Qaar ka shaqeeya beeraha iyo kuwo guryahay adeege ka ahaa, addoomada ka shaqeeya beeraha waxay ahaayeen kuwo ku nool, nolol dhib badan, gaajo iyo daryeel la’aan.

Halka addoomadii ka shaqeynayay guryaha ay u ugu faani jireen kuwi beeraleyda ahaa inay cunaan, cunnada reebreebka Sayidkooda, xirtaan dharka ay iska soo tuuraan, lana kulmaan, sidoo kalena ay u dulqaataan dharbaaxada sayidkooda marka uu xanaaqo.

Markasta oo ay addoomadu u kulmaan inay sameeyaan kacdoon ay iskaga xorreynayaan  gumeysiga, addoomadii guryaha ka shaqeeynayay waxay u degdegi jireen Sayidkooda si ay ugu sheegaan dhaqdhaqaaqa ay wadaan addoomadii beeraha ayna doonayaan inay xorroobaan, taasi baddelkeedana laga hortago lana ciqaabo kuwooda ugu firfircoon.

Ogow, wax kale uma sameynayaan arrintaas,maxaa yeelay “ reebreebka cunnada ay helaan iyo ku hoos noolaashaha gumeysiga ayaa kaga qiimo badan dhibaatada walaalahooda kale loo geysanayo iyo inay xorriyad helaan”.

Sirna ma aha, sideedaba aduunyada, waxaa jiraa dad aan noolaan karin in la guumeysto mooyee.

Dadka kale ee guumeysi diidka ah amaba jacel inay xorriyad ku noolaadaan waxey u arkaan dad cadow ah oo dadka kale diidan.

Xikmad laga hayo AFLAADHOON ayaa oraneysa ”Haddii Samada xorriyad kasoo da’i  laheyd waxaad arki laheyd qaar addoomo ah oo DALLAD sita”

22 dowladood oo Carab isku yimid, marka laga reebo saddex dolwadood oo kala aha Qatar, Somaliya iyo Libya, waxay isku raaceen in TURKIGA loo jaro xariirka diblomaasiyadeed sidoo kalena la joojiyo wada shaqeynta kala dhaxeysa ANKARA, iyagoo iska dhigay; inay kasoo horjeedaan dagaalka uu Turkigu ku qaaday xaduuda waqooyi ee uu la leeyahay Suuriya halkaasoo uu doonayo inuu ka sameeyo AAG-NABDOON.

Ogow carabta, weligood kama aysan shirin kamana aysan damqan intii uu Ruushka iyo Mareykanka duqeynt ku leynayeen caruurta iyo haweenka masaakiinta Suuriya.

Maxay Turkiga ugu soo horjeesteen dagaalkiisa, laakin ay ugu dhiiran waayeen dulmiga mareykanka iyo Ruushka geysanayaan?

Jawaabta iska cad! Badankood, madaxda dowladaha carabta waxay addoomo lagu adeegto u yihiin reer galbeed. Inta ay reer galbeed dhibaato u geystaan Muslimiinta waxaa ka badan tan ay u geystaan Madaxda carabta.

Waxay cawo iyo casar maal ku bixiyaan sidii loo majaxaabin lahaa muslimiinta caalamka.

Turkiga, wuxuu diiday inuu addoon u noqdo reer galbeedka, wuxuuna door biday inuu ahaado dowlad XOR ah oo aan go’aamadiisa cidna kala tashan. Sidaa darteed, madaxda carabtu waxay u arkeen cadow maadaam uu diiday addoonsiga sidoo kalena uu doonayo in iyagana ka saaro addoonsiga. Waana sababta ay degdeg ugu shireen iyagoo doonaya in Turkiga kugula jirto addoonsiga iyo isu dulleenyta reer galbeedka.

Hadda, Soomaalida waxaa jira dad la mida ah madaxdaas carabta; oo jecel inay shisheeyahay addoon u noqdaan. Xilka iyo xukunkana uusan dhadhan u yeelaneyn haddii aysan shisheeye hoos tagin.

Dadkaas ma jecla inay arkaan madax kale oo dooneysa inay shisheeye ka xorrobaan iyagana la xorreeyo. Waxeyna u arkaan dad xun oo kalitelisnimo xukunka ku doonaya.

Dadka jacel inay guumeysi hoos joogaan inaad ka dhaadhiciso qaran iyo qiimihiisa, waa habeenkii xalay ahaa oo tagay iyo calaacal timo lasoo baxeen. Waxay keliya wanaag u arkaan in shisheeye la isu dulleeyo.

W/Q. Abdinasir Safaana

Email: safaanahaji@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo gooray magaalada Riyaad iyo Ujeedka safarkiisa oo la shaaciyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Haweeneydii ugu horeysay oo caawa garsooreysa ciyaar ka tirsan Koobka Dunida (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka Danab oo howlgal qorsheysan ku soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---