Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo la kulmay dhigiisa Magaalada Ankara (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kala hadlay Mayorka magaalada Ankara Prof Dr. Mustafa Tuna sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dib u habeynta shaqooyinka Dawladda Hoose ee degmooyinka Gobolka Benaadir.

Guddoomiyaha oo dalka Turkiga kulamo kula qaadanaya qaar ka mid ah Maamullada Degmooyinka iyo Gobollada dalkaas ayaa sheegay in qorshuhu uu yahay sidii Degmooyinka Gobolka Benaadir ay uga faaiideysan lahaayeen khibradaha shaqo ee dhiggooda dalka Turkiga iyo sidii loo soo gaarsiin lahaa aaladaha casriga ah ee ay adeegsadaan Dawladaha Hoose ee dalkan.

“Duqa magaalada Ankara, waxaan u bandhignay qorsheyaasha aan doonayno in ay si dhow noogala shaqeeyaan oo ay ka mid tahay casriyeynta shaqada iyo adeegyada Dawladaha Hoose, annaggoo xoogga saareyna hannaanka baahinta adeegyada asaasiga ah iyo qorshayaasha la xiriira faya dhowrka.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolku ayaa uga warbixiyey dhiggiisa magaalada Istanbuul oo ay wehlinayaan qaar ka mid ah ganacsatada dalkaas, fursadaha maal gashi ee ka jira Gobolka Benaadir iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu kalsoonyihiin hannaanka maal gashi ee shirkadaha iyo ganacsatada dalka Turkiga.

Kulankan waxaa ku weheliyey Guddoomiye Yarisow, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Jaamac Cabdullaahi Caydiid Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Benaadir Marwo Basmo Caamir Axmed Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed iyo xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Benaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Wasiir Cawad Safiirada dalalka IGAD u fadhiya Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali

Britain oo balan qaaday iney dowlada Somalia ka taageereyso Saddex qodob oo Muhiim ah

Caydiid Ali

Raisul Wasaaraha dalka oo balanqaad ka helay ganacsatada Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---