Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Isgaarsiinta Baydhabo oo hawada laga saaray iyo Sababta keentay oo la ogaaday

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta hawada laga saaray isgaarsiintii magaaladaasi ka shaqeeneysay.

Sida aan wararka ku helnay saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa amray in hawada laga saaro isgaarsiinta si looga hortago qaraxyo lagu weeraro kolonyo gaadiid ah ay wataan ciidamada Itoobiya oo kusoo wajahan Baydhabo.

Kolonyada ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegay in shalay galinkii dambe iyaga oo ku safraya laamiga isku xira Baydhabo iyo Buur Hakaba la qarxiyay, waxaana la ogeyn in qaraxaasi ciidamada Itoobiya waxyeelo kasoo gaartay.

Sababta Isgaarsiinta hawada looga saaray ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ah ka gaashaantaan weeraro kale oo dhabo gal ah iyo miino , waxaana ciidamadii shalay la weeraray la sheegay in ay doonayaan in ay lug ku galaan magaalada Baydhabo.

Shacabka  Baydhabo ayaa saameyn balaaran saakay ku yeelatay isgaarsiinta hawada laga saaray, waxaana inta badan dadka marka laga soo tago isgaarsiinta in ay iskula xiriiraan hadana ku xirnaa noloshooda maadaama lacagta laga isicmaalo badi Telfoonada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharaxiinta oo War ka soo saaray talaabadii Shariif Xassan loogu diiday safarka Baydhabo

Caydiid Ali

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo xabsi la dhigay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Sirdoonka Soomaaliya oo soo afjaray 20 koox oo dadka cabsiin iyo baad isugu dari jiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---