Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Dalalka leh Maraakiib si sharci daro ah uga kaluumeesta Xeebaha Puntland oo lasoo bandhigay

Maamulka Puntland ayaa Warbaahinta u soo bandhigay tirada maraakiib la sheegay in ay si sharci daro ah uga kaluumeestaan xeebaha Puntland iyo sidoo kale wadamada laga leeyahay Maraakiibtaasi.

Wasiirka Kalluumeysiga Puntland Faarax Cawaash Beeldaaj oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay sii kordhayaan maraakiibta sida sharci darada ah uga kaluumeesta xeebaha Puntland .

Waxa uu sheegay Wasiirka in 18 Markab oo laga leeyahay wadamada Iiraan, Hindiya iyo Pakistaan ay yihiin kuwa si sharci daro ah uga kaluumeesta xeebaha Puntland, waxa uuna sheegay in dacwad ka gudbinayaan maraakiibtaasi.

Wasiirka Kaluumeesiga ayaa sidoo kale sheegay in ay baaritaano ku wadaan maraakiib iyo shirkado kale oo aan shaktiyo ka heysan Wasaarada kaluumeesiga oo iyagana si sharci daro ah xeebaha Puntland uga jalaabta.

Xeebaha Soomaaliya oon laheyn ciidamo ilaaliya ayaa xili walbo waxaa si sharci daro ah uga jalaabta kana gurta kheyraadka ka buuxa maraakiib iyo doonyo laga leeyahay wadamo shisheeye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo caawa shaacisay in duqeyn lagu laayay saraakiil iyo xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

In ka badan 10 qof oo ku dhimatay iska horimaad & Wararkii ugu dambeeyay xiisada Dhuusamareeb

admin

Muxuu Raisul Wasaraha dalka kala hadlay ganacsatada uu la kulmay? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---