Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Puntin oo hadiyad yaab leh gudoonsiiyey Boqorka Sacuudiga (Sawirro)

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo booqanaya dalka sacuudiga ayaa Boqor Salman bin Abdulaziz gudoonsiiyey hadiyad yaab leh oo Shimbir nooceeda uu dhif yahay oo laga helo Ruushka.

Shimbirtan oo u eg sida gorgorka ayaa lagu magacaabaa Arctic falcon waxaana laga helaa gacanka Kamchatka ee ku yaalla bariga fog ee dalkaas.

Waxaa jira kumannaan xabo oo ka mid ah shimbirkan, wuxuuna halis ugu jiraa inuu dabar go’o, iyadoo Muuqaal lagu shaaciyay telefishinnada ruushka iyo Sacuudiga iyo qaar ka mid ah baraha bulshada laga arkayay boqor Salman oo u muuqda inuu la dhacsan yahay hadiyadan aan caadiga aheyn

Waxaa la filayaa in hoggaamiyaha Ruushka uu Sacuudiga uga sii gudbo waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta, si uu u sii xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya dalalka bariga dhexe iyo ruushka.

Booqashada uu Putin Isniintii ku tagay Sacuudiga ayaa ahayd tii ugu horreysay ee uu halkaas ku gaaro tan iyo sanadkii 2007-dii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Vjosa Osmani oo loo doortay Madaxweyne cusub muddo shan sano ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Mid ka mid ah Gudoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho oo Maxkamad looga yeeray (Akhriso)

Caydiid Ali

Cabdirashiid Janan & ciidankiisa oo loo qabtay iney 24 saac kaga baxaan Mandhera

Caydiid Ali
Taboola Ads ---