Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Al-Burhan oo Warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee Somalia (Sawirro)

Madaxa Golaha siyaadada qaranka dalka Sudan Cabdifitaax Al-Burhaan ayaa maanta si rasmi ah Warqadihiisa aqoonsiga uga guddoomay danjiraha cusub ee Somalia Axmed Isxaaq Ibraahim.

Danjiraha ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Golaha Siyaadada qaranka dalka Sudan Cabdifitaax Al-Burhaan isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu noqdo Safiirka Somalia u fadhiya Sudan, isagoo balan-qaaday inuu ka shaqeyn doono xiriirka labada dal ee soo jireenka ah.

Danjire Axmed Isxaaq Ibraahim ayaa ka codsaday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sudan ku dhaqan iney si hagar la’aan ah ugala shaqeeyaan gudashada waajibaadkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Suudi oo la kulmay Qoyskii uu ka geeriyooday Eng Yariisow (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

C/raxmaan C/shakuur: “DF waxay u ogolaatay Xasan Daahir inuu ku baaqo dilkeyga”

Caydiid Ali

Xogta kulan Madaxweynaha Soomaaliya la qaatay danjire Fei Shengchao

Caydiid Ali
Taboola Ads ---