Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Cawad oo qaabilay Mohammed Abdiker iyo xubno uu horkacayey (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho Agaasime goboleedka Hey’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) xafiis goboleedkeeda Bariga iyo Geeska Afrika, Mudane Mohammed Abdiker iyo xubno uu hogaaminayey.

Waxaa uu kala hadlay dhowr arrimood oo ahmiyad wadaag leh, oo ay ku jirto u fidinta taageerrada laga-maarmaanka ah ee muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan dhowr dal oo Afrika, Aasiya iyo Yurub , iyag oo ku jira xerooyin ay kala kulmayaan xaalad daran oo nololeed.

Waxaa kulanka sidoo kale lagu faaqiday taageeridda qorshaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku aaddan Qurba-joogta Soomaaliyeed si loo abaabulo kulamo, madal-doodeedyo iyo seminaarro lagu xoojinayo baraarugga iyo dareenka caafimaadsan ee qurba-joogta iyo muwaadiniinta dal-joogga ah si xad loogu yeelo tahriibka iyo halisaha ka imaan-kara isku miidaamintiisa, sidoo kale waxaa la isla eeggay barnaamijyada kobcinta awoodda ee lagu tayaynayo howlwadeennada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Aadan Madoobe oo kulan sagootin ah la qaatay Mohamed Al Hammadi (Sawirro)

Cabdi Cade

Maamulka Puntland oo qaatay Masuuliyadda Dil loo geestay Nadiiro Faysal Shire

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Weeraro caawa ka dhacay qeybo badan oo kamid ah Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---