Waxaa soo kordhaya cadaadiska siyaasadeed ee gudaha Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ka haysta Mudane Saciid Cabdullahi Deni. Xiisadahan waxay salka ku hayaan labo arrimood oo kala ah (1) Kaalinta Puntland ku leedahay hanaanka federaalaynta dalka; iyo (2) Maalgashiga Imaaraadka Carbabta ku samayno ilaha dhaqaalaha Puntland.
Gudaha Puntland waxaa isasoo taraya kulamada iyo wadatashiyadda bulshadu degaanka ay ka yeelanayso heshiisyada ay maamul-goboleedka Puntland gacanta ugu galinayso ilaha dhaqaalaha gobolka ganacsato u dhalatay Imaaraadka Carbabta.
Sidoo kale, Golaha Wakiilada Puntland ayaa su’aalo ka keenay heshiisyada aan la soo marsiin golaha oo ay maamulku la galayo shirkadaha shisheeyaha, islamarkaasna lala dhinac marayo dowladda federalka Soomaaliya, iyo xiriirka sii xumaanaya ee ka dhaxeeya hoggaanka Puntland iyo dowladda dhexe.
Arrin ugub ah ma’ahan, in khilaaf soo kala dhex galo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland iyo Madaxtooyadda maamul-goboleedka Puntland. Waxaa khilaaf hore ku baxay Mudane Saciid Xassan Shire oo ahaa Gudoomiyihii Golahaas xilligii Mudane Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) uu hoggaanka Puntland hayay, kadib markii la isku qabtay arrimo dhowr ah oo ay ku jirto kormeerka, iyo islaxisaabtanka Golaha Wakiiladda ku samaynayo hay’adaha maamulka, taas oo Mudane Cabdiweli Gaas ka biyo diiday. Falcelinta Mudane Cabdiweli Gaas waxay keentay in Golaha Wakiiladda Puntland uu noqodo mid fadhiid ah, waxii ka dambeeyey iscasilaadii Mudane Saciid Xassan Shire.
Halkii uu Mudane Saciid Cabdullahi Deni, dhagaysan lahaa guuxa iyo dareenka shacabka, islamarkaasna uu tixgelin lahaa dhawaaqa ka soo yeeraya Golaha Wakiilada Puntland, waxuu qaaday talaabooyin aan xal u noqon karin dhibka jira, sida (B) Xarig lagula kaco waxgaradka bulshada; (T) In la joojiyo kulamada dadweynaha; iyo (J) In la qalqaaliyo mooshin xil-kaqaadis ah, kuna wajahan Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland.
Inkastoo maamulka Puntland horumar ka sameeyey adeegyada bulshada marka la barbardhigo maamulada kale ee dalka ka jira, misna “inta lagu dhaqmayo saamiqaybsiga ku salaysan beelaha dhanka qabashada xilalka, waxaa adkaanaysa in la helo maamul ogol isla-xisaabtan, kana jawaaba baahiyaha dadku qabaan, islamarkaasna dhowra cadaaladda iyo xuquuqda aadanaha” sidaas waxaa yiri Cigaal yare oo falanqeeye siyaasada gobolka.
Waxaan shaki ku jirin, wadashaqeen la’aanta maamulka Puntland iyo dowladda dhexe inay labada dhinac uga lumayaan waqti badan oo loogu adeegi lahaa shacabka, islamarkaasna waxyeelo ku keeni karta shacabka.
Waxaa mar mugdi galay mustaqbalka arday badan oo soo dhammaystay waxbarashadooda dugsiga sare ee gobolka, kadib markii Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya aqoonsan weyday natiijada imtixaanada shahaadiga 2018/2019 ee Puntland. Wasaarada Waxbarashada waxay go’aankeeda sal uga dhigtay, diidmada maamul-goboleedka Puntland imtixaanka midaysan ee Soomaaliya. Balse, goordambe la xaliyey mushkiladii, kadib markii xildhibaanada laga soo doorto maamul-goboleedka Puntland iyo Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya ay wadahadal ka yeesheen.
Dhanka kale, maamulada dalka qaarkood, ayaa marar kala duwan ku dhawaaqay go’aano ay madaxadda dowladda dhexe kaga mamnuucayaan deegaanada ay ka arrimiyaan, taas oo baalmarsan dastuurka iyo sharciyadda dalka u yaal.
Madaxda maamul goboleedyadda waxay alaaba yaraystaan awooda dowladda dhexe. Tallaabadda ay ku carqaladeysay xukuumadda caleemosaarka Mudane Axmed Madoobe waxay astaan u tahay in Madaxweyne Farmaajo doonayo inuu meesha ka saaro dabacsanaantii ay madaxddii ka horeysay kula dhaqmi jireen madaxada maamul goboleedyadda ee isbarbaryaaca ahayd.
Waxii ka dambeeyay dowladdii lagu soo dhisay Carta, maamulka Puntland marnaba xiriir wanaagsan ma dhexmarin madaxddii dowladda Federalka Soomaaliya, marka laga reebo Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed, oo ay Puntland la garab taagneed taageero dhan walba ah.
Haddaba, dad badan ayaa isweydiinaya maxuu Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ku kasbaday taageerada Puntland oo u diiday Madaxweyneyaasha kale?
Talaabo kalsooni dhisid ah waxaa qaaday Madaxweyne Farmaajo, kadib markii uu Puntland u diray wafdi wasiiro ah, si ay maamulkaas ugala soo xaajoodaan waxa ay tabanayaan.
Madaxa wafdiga Danjire Axmed Ciise Cawad wuxuu warbaahinta ku yiri “way naga aqbaleen fariinti aynu sidnay, ee ahayd in la dhammeeyo khilaafka.” Balse Mudane Cawad waxuu xusay in doorashaddii Jubbaland lagu kala aragti duwanaa, isagoo caddeeyey in mowqifka dowladda ee ku aadan doorashada Jubbaland waxba iska bedelin.
Falanqeeyaasha siyaasadda gobolka waxay rumeysan yihiin faragelinta Imaaraadka inay fogaynayso inuu xiriir wanaagsan dhexmaro: (1) Madaxda Maamul-goboleedka Puntland iyo Dowladda dhexe; iyo (2) Madaxda Maamulka Puntland iyo shacabka Puntland, sida faragelinta Kenya ay u fogaysay xal u helida arrimaha Jubbaland.
Waxaa hubaal ah, talaabooyinka maamulku qaadayo ee baalmarsan dastuurka iyo xeerarka dalka u yaal si loo aamusiyo codka shacabka Puntland inay ka dhalan karto dhibaato xalkeeda meel fog laga raadiyo. Sidoo kale, waxgaradka Puntland waa inay dhanka sharciga u maraan xalinta khilaafka kala dhaxeeya maamulka.
Sida ay taariikhda ina barayso, cadaadis iyo caburin maamuladda kula kacaan shacabkooda waxaa ka dhasha burburin nidaam, fowdo, iyo inaysan cidina guul la hoyan.
W/Q Saciid Cabdisalaam
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com