Dowladda Ruushka ayaa raadineyso inay saldhig Militari ka hesho Geeska Africa gaar ahaan degaanadda Somaliland, kaasoo ugu yaraan qaadi kara 1,500 oo ciidamadda baddda ah sida ay baahisay warbaahinta dalkaas oo soo xiganeysa saraakiil sare oo ka tirsan Ruushka.
Warbaahinta Ruushka ayaa sheegtay in Somaliland ay taas badalkeeda dooneyso in la siiyo aqoonsi ah Jamhuuriyad madax banaan.
Saldhigan uu Ruushku raadinayo wuxuu muhiim u yahay inuu dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka kula tartamo gobolka, labadaas dowladood waxay saldhigyo ku leeyihiin wadanka Jabuuti oo Somaliland deris la ah.
Diblamaasiyiin Ruush ah ayaa la sheegay inay Somaliland wadahadal la bilaabeen dhamaadka sanadkii hore, iyadoo heshiisku uu hadda ku dhow yahay gebogebo sida warbaahintu ruushku faafisay.
Saldhigan ayaa xarun u noqon doonaa lix Maraakiibta dagaalka ah iyo labo gujis, wuxuu sidoo kale yeelan doonaa garoon leh labo dhabe oo dayuuraduhu ku cararaan kaasoo awood u leh inuu qaado lix dayuuradaha militariga daabula ah iyo 15 kuwa dagaalka ah.
Moscow ayaa Somaliland u soo bandhigtay Lacag dhan 250 Million oo maalgelin ah, si ay u ogolaato saldhigaas milateri.
Dalka Imaaraadka Carabta ayaa Somaliland ka dhisanaya Saldhig militari, kaasoo Dowladda Soomaaliya aysan raali ka ahayn, iyadoo Ruushku noqonayo dalkii labaad ee doonaya inuu saldhig miletari ka sameysto Somaliland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com