Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Bankigii dhiigga oo Soddon sano ka dib la howlgelinayo & Khayre oo dhagax dhigay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta dhagax dhigay Dhismaha Bangiga Dhiigga Soomaaliyeed oo qayb ah halbeegyada ugu muhiimsan ee wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshadu ay ku leedahay tubta horumarinta arrimaha bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhallinyaradii gurmad qaran ee ka shaqeeyay caawinta dhibbayaashii musiibadii October 14, 2017, wasiirka caafimaadka iyo dhammaan wasaaraha ku jira tubta horumarinta arrimaha bulshada uga mahad celiyay fikirka iyo dadaalka ay ku bixiyeen dhagax dhigga dhismaha bangiga dhiigga Soomaaliyeed oo loogu adeegayo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

“Musiibadii Argagaxiso ee October 14, 2017 iyo dhibaatooyin kale oo dalka ka dhacay waxa aan ku weynay Mawaadiniin Soomaaliyeed oo la badbaadi karay haddii uu jiri lahaa bangi dhiig. Mas’uuliyad ayaa naga saaran badbaadinta dadkeenna. Ma dooneyno in hooyo Soomaaliyeed, wiil, gabar ama aabe Soomaaliyeed ay u geeriyoodaan dhiig la’aan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre

Dhismaha Bangiga dhiigga oo wajigiisa ugu horreeya loogu tala galay in lagu keydiyo 10,000 oo Xirmo oo dhiig ah, si loo daboolo baahiyaha dhiig ee dalka, ayaa laga hir-gelinayaa gudaha Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir oo horraantii sannadkaan, ay dowladdu dib ula wareegtay, dib u casriyeynna lagu sameeyay.

Soddonkii sano ee lasoo dhaafay, Soomaaliya ma laheyn bangi dhiig oo shaqeeya, waxaana dowladda Soomaaliyeed ka go’an in ay daboosho baahiyaha bulsho oo ay bixiso adeegyada muhiimka u ah nolosha, si loo gaaro horumarka iyo himilooyinka ay ummadda Soomaaliyeed hiigsaneyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Amniga oo shaaciyay Khataro Amni oo dalka kusoo wajahan maalmaha soo socda

Cabdi Cade

Puntland oo ka hadashay qorshaha Shacabka Gasa loogu soo rarayo

Cabdi Cade

Dowlad deegaanka Soomaalida oo xilkii ka xayuubiyey masuul ka hadlay arrin xasaasi ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---