Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa war kulul ka soo saartay tallaabaadii ay dowladda Soomaaliya kula wareegtay lacag u socotay ciidamada Soomaaliya iyo xayiraadda diyaaradii siday.
War cad oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada Imaaraadka ayaa si weyn loogu cambaareeyey falkii saraakiisha amniga Soomaaliya ay Axadii 8-da bishan April ku xayireen diyaarad rayid ah oo ay la socdeen 47 qof iyo la wareegidda lacag loogu talogalay taageerada ciidamada Soomaaliya.
Dowlada Imaaraadka ayaa sheegtay in ciidamada Soomaaliya ay hub ku handadeen ciidamada Imaaraadka ee diyaaradda la socday; ayna arrintaas keentay dib u dhac muddo saacado ah ku yimid duulimaadkii diyaaradda.
“Lacagtan waxay ahayd mid ku timid iskaashi milateri oo labada dal kala saxiixdeen Novembar sanadkii 2014, taasoo lagu bixinayo mushaharka ciidamada” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta.
“Tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo kasoo horjeeda xeerarka iyo habraaca diblomaasiyadeed ee dowladuhu ku macaamilaan, isla markaana jebineysa heshiiska labada dal ka dhaxeeyay iyo xeerarka caalamiga ah” ayaa sidoo kale lagu yiri warkan oo ay faafisay Wakaalada wararka Imaaraadka oo soo xiganaysa wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com