Allbanaadir.com
NEWS

Amarkii xalay soo saartay Maamulka Duulista Hawada Somalia oo maanta la jabiyay

Qoraal xalay kasoo baxay Hay’ada Duulista Hawada ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay duulimaad kasta oo ka yimaada dhinaca dalka Kenya in ay si toos ah uga degaan magaalada Kismaayo.

Diyaaradaha kasoo duula dalka Kenya ee doonaya in ay tagaan magaalada Kismaayo ayaa lagu amray in ay soo maraan magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kahor inta aysan Kismaayo ka degin.

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ka degtay diyaarad si toos ah uga soo duushay  magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, diyaaradan ayaana waday wafdi ka socday dowlada Kenya oo ka qeyb galaya caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaan la ogeyn talaabada ay qaadi doonto maadaama markii labaad dowlada Kenya jabisay xayiraad dhinaca socdaalka ah ay dowlada federaalka kusoo rogtay diyaaradaha taga Kismaayo.

Hay’adda Duulista hawada Soomaaliya ayaa horey dacwad ka dhan ah dowlada Kenya u gudbisay hay’adda maamulka Hawada u qaabilsan Qaramada Midoobey ee ICAO, kadib diyaarad Kenya kasoo duushay oo jabisay xayiraadii saarneyd Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo ku hanjabay in ay weerari doonaan 52-goob oo Muhiim u ah dowlada Iiraan

Cabdi Cade

Toogasho Khasaare nafeed geysatay oo ka dhacday dalka Maraykanka (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Wasiir Ahmed Isse Awad oo xilkiisa si rasmi ah ula Wareegay 

admin
Taboola Ads ---