Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar cusub oo lagu mamnuucayo duulimaadyada tooska ah ee ka imaanaya dalka Kenya ee tagaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.
Maamulka Duulista Hawada ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay duulimaad kasta oo ka yimaada dhinaca dalka Kenya ee si toos ah u taga magaalada Kismaayo.
Qoraal ay iskula hadlaan duulimaadyada oo kasoo baxay maamulka duulista hawada Soomaaliya ayaa lagu amray diyaaradaha Kenya ka imaanaya ee doonaya in Kismaayo tagaan soo maraan magaalada Muqdisho.
Amarkan cusub ee kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili la filayay in beri magaalada Kismaayo tagaan wafdi ka socda dowlada Kenya oo ka qeyb galaya caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland.
Lama oga in dowlada Kenya ay jabin doonto amarkan kasoo baxay dowlada federaalka iyo in kale, waxaana amar dhinaca duulimaadka tooska ah ee taga Kismaayo horey usoo saartay dowlada Federaalka jabisay diyaarad ka timid magaalada Nairobi.
Dowlada federaalka ayaana amarkan uga gon leh in ay ku baajiso wafdiga Kenya ee tagaya caleemo saarka Axmed Madoobe, waxaana la filayaa in dowlada ay soo saarto go’aano adag hadii ay Kenya jabiso amarka dowlada kasoo baxay.
Hay’adda Duulista hawada Soomaaliya ayaa dhawaan dacwad ka dhan ah dowlada Kenya u gudbisay hay’adda maamulka Hawada u qaabilsan Qaramada Midoobey ee ICAO, kadib diyaarad Kenya kasoo duushay oo jabisay xayiraadii saarneyd Kismaayo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com