Allbanaadir.com
NEWS

Wax ka Ogow Mowjadaha siyaasadeed ee ku soo food leh Dowladda Federalka

Waxaa xiligan dalka uu wajahayaa siyaasado kala dan ahaa oo isbaheystay kuwaa oo wada abaabul xoog leh, iaydoo aan kala ra’yi la’aheyn.

Madallada ay ku kulmaan madaxda talada heysa, kuwii horay xilalka u soo qabtay iyo mucaaradka dowladda ayaa dalka ka dhici jiray khudbado iyo kulamo kooban kadibna waa lagu kala tagi jiray balse hadda waxaa dhacaya madal u gaar ah dhamaan kooxaha siyaasad ahaan ka soo horjeeda dowladda Federalka kuwaa oo isbiirsanaya dibna isu abaabulaya iyagoo hal fikrad kawada qaba dowladda Federalka.

Magaalada Kismaayo oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee Jubbaland waxey marti gelisay oo ku sugan  Labo madaxweyne oo dalka soo hogaamiyay Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, madaxweynaha Puntland Saciid Dani, madaxweynaha martida loo yahay Axmad Madoobe iyo Labo rugcadaa oo siyaasadda dib ugu soo laabtay Shariif Xasan oo ahaa madaxweynahii Koofur Galbeed iyo Cabdikariim Guuleed oo isna ahaa madaxweynihii Galmudug, waxaase madasha ka marneyn hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi shakuur.

Ujeedka ugu weyn ee kulmisay mas’uuliyiintan ma ahan ka qeyb galka caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland oo kaliya ee waa ka tashiga siyaasadda dowladda Federalka oo aad ay u saluugsan yihiin islamarkana cunaha lagu qabtay, sida ay cadeeyeen qaar kamid ah.

Culeeska ugu weyn ee dowladda Federalka ayaa noqonaya isbadal doon cusub oo suuragal ay tahay in lagu dhawaaqo, mana noqon doono kaliya mid sameysma oo lagu kala tago balse wuxuu saameyn weyn ku yeelan doonaa dowladda dhexe oo siyaasadeeda gudaha soo xermi doonto.

Waxyaabaha muhiimadda gaarka ah leh waxaa kamid ah in laga hortago muddo kororsi ay sameeyaan madaxda hadda talada heysa taa oo wixii laga qaadan doono la isku waafaqayo ka hor madasha Kismaayo inteysan dhamaan, sida ay horay u sheegeen madaxdii dalka soo hogaamisay.

Khilaaf iyo hardan siyaasadeed mid qarsoon iyo mid shaac baxsan oo dowladda Federalka kala dhaxeeya dhinacyada ka soo horjeeda  ayaa ugu dambeyn waxa uu sababay in uu sameyso xisbi weyn oo mucaaradka oo dhan isugu tagaan iyadoo ay u dheertahay kulamada Kismaayo iyo wax aka soo bixi doono.

Wax yaabaha laga filayo waxaa kamid ah Bayaan dheer oo ka soo bixi doono Kismaayo kaa oo ku saabsan Siyaasadda dowladda iyadoo Beesha Caalamka loo sheegi doono in dowladaan ay fashilmatay islamarkana ku guul dareysatay Nabadgalyada dalka, siyaasadda arrimaha Gudaha, ku xad-gudubka  Dastuurka iyo dhameystir la’aantiisa, dagaalka Al shabaab,  qaabeynta doorashada 2021, xiriirka maamul Goboleedyada, maareynta mashaariicda horumarineed, kor u qaadidda dakhliga dalka, iyo cunaqabateynta shacabka.

Fashil siyaasadeed kii ugu weynaa ayuu ku noqonayaa dowladda dhexe marka madaxdii hore ee dalka,madax maamul goboleed, siyaasiyiin iyo Xildhibaano saameyn weyn ku leh bulshada hal meel isugu soo wada jeestaan.

Dhibka madaxda dowladda heysta xitaa maku xalismi doono hadii madaxweyne Farmaajo uu xilka ka qaado Ra’isul Wasaare Kheyre si siyaasadda dalka u noqoto mid dagan oo furfuran, balse waxaa muhiimad gaar ah leh in dowladda heshiis lagasho mucaaradka kana jawaabto eedeymaha waa weyn ee lagu heysto, kana tanaasusho dano gaar u ah iyada oo kabaxsan qaranimada.

W/Q: Abdiaziz Loyal

Abdiazizh99@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal xiray barta Instagram oo tirtay tacsida Haniya

Caydiid Ali

Farmaajo oo bilaabay Qorshayaal Cusub oo xilka looga qaadayo Taliyaal iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Gaaskii ugu badnaa abid oo laga helay Deegaan ay Soomaali leedahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---