Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Ra’isul Wasaaraha dowlada Itoobiya Abiy Axmed oo ku guuleestay abaal marinta caalamiga ee Nobel Peace Prize.
Qoraal uu Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo soo dhigay barta uu Twitterka ku leeyahay ayuu ku sheegay in Ra’isul Wasaare Abiy Axmed u qalmay ku guuleesiga abaal marinta caalamiga ee sanad walbo la bixiyo.
”Waxaan u hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo ku guuleystay abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize,wuu u qalmay in sanadkan ku guuleysto abaal marinta,kadib iskaashigii uu ka sameeyey wadamada Gobolka” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markii uu talada Itoobiya la wareegay la yimid isbadalo waa weyn oo loo riyaaqay ayaa sanadkan ku guuleestay Abaal marinta caalamiga ee Nobel Peace Price .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com