Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaraxyo lagu aasay degaano hoos taga Magaalada Boosaaso oo la fashiliyey (Sawirro)

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano PSF ee Maamulka Puntland ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyey degaano ku dhow buuraha Galgala ee duleedka magaalada Boosaaso.

Saraakiisha hogaamineysay waxay sheegeen in howlgalkan uu ahaa mid lagu baarayay miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen wadada isku xirta degaanadaa Balikhadar iyo Galgala.

Dhowr miino oo Al-Shabaab ku aaseen ayaa la soo saaray oo la fashiliyey sida uu sheegay Sarkaal u hadlay Ciidamada PSF oo intaas ku daray in howlgalka ay weli ka wadaan degaannada ku teedsan Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

Saraakiishu ma sheegin in howlgalkaas ay ku qabteen dad la tuhunsan yahay marka laga reebo miinooyinka ay soo saareen.

Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa fariisimo ku leh buuraleyda hareeraha ka xiga magaalada Boosaaso, iyagoo marar badan laayey ciidamo iyo shacab ka dib markii ay la qarxeen miinooyin ay ku aaseen wadooyinka qaar.

Related posts

Seddex Sabab oo Saciid Deni taajka Madaxweynaha Puntland loogu suray !!

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo maanta xilka si rasmi ah ula wareegay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo eedeymo kulul u jeediyey shirkado ka howlgala Puntland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---