Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u duulay Kismaayo (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saakay ka duulay Garoonka Diyaaradaha  magaalada Garoowe iyagoo kusii jeeda magaalada Kismaayo.

Wafdiga Madaxweyne Deni waxaa garoonka diyaaradaha kasii sagootiyay masuuliyiin katirsan maamulka Puntland, waxaana la filayaa in wafdigan saacadaha soo aadan gaaraan magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Deni ayaa magaalada Garawe u tagaya caleemo saarka Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo la filayo in maalmaha soo socda lagu qabto magaalada Kismaayo.

Diyaarada Garawe ka qaaday wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay in ay hareer mari doonto amarkii dowlada ee ahaa in diyaaradaha Kismaayo tagaya ama ka imaanaya soo maraan Muqdisho, waxaana diyaaradan si toos ah uga degi doontaa Kismaayo.

Waxaa maanta sidoo kale la filayaa in magaalada Kismaayo gaaraan wafuud kale oo ka qeyb galeysa caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, wafdigan ayaana waxaa kamid ah madax hore iyo siyaasiyiin caan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirro: Sida quruxda ee ay u dhacday casho sharafta loo sameeyey Madaxweyne Geelle

Caydiid Ali

Al Shabaab oo sheegtay in ay dileen masuul katirsan Wasaarada Gaashaandhiga

Cabdi Cade

Lix Dambi oo loo heesto duuliye Fu’aad Yusuf Cali oo lasoo bandhigay (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---