Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Duqa Muqdisho iyo danjire James Swan oo ka wadahadlay qodob Muhiim ah

Duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan.

Guddoomiye Cumar ayaa kala hadlay Mr. Swan arrimo ay kala duwan oo ay ka mid yihiin horumarinta adeegyada bulshada.

Sidoo kale waxaa kulanka diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha horumarinta sida Dhismaha Wadooyinka, Kobcinta Dhaqaalaha, Shaqo abuurka, dhalinyarada iyo xal u helista arrimaha Barakaca Caasimadda.

Mr Swan ayaa dhankiisa balanqaaday in ay xoojin doonaan wadashaqaynta tooska ah ee ay la Leeyihiin Maamulka Gobolka sidoo kalne ay kaalin taageero siin doonaan Gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Macluumaad xiiso leh oo ku saabsan qaabkii loo aasaasay Ciidanka Xoogga dalka

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo heshiisiiyay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi (Sawirro)

Cabdi Cade

Xukuumadda Soomaaliya oo Ansixisay Heshiis Dhax maray Soomaaliya iyo Turkiga (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---