Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa laga yeelayaa mas’uuliyiintii ku safray diyaaraaddi jabisay amarkii dowlada ?

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku amartay dhamaan diyaaradaha tagaya iyo kuwa ka imaanaya magaalada Kismaayo inay soo maraan magaala Madaxda Muqdisho sida caalamkaba ka jirta.

Hayeeshee, 5.10.2019, waxaa magaalada Kismayo ka degay diyaarad ka timid Nairobi taasoo siday mas’uuliyiin isugu jira xildhibaano, sanataro oo ay ka mid ahaayeen madaxdii hore ee maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed si ay uga qeyb galaan caleema saarka Axmed madoobe oo gebi ahaanba doorashadiisa ay dowladda qaadacday.

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwad caalami ah ka gudbisay Kenya iyo diyaaradda jabisay sharcigii ay soo rogtay. Sidoo kale dowladda ayaa shatigii ogolaanshaha kale noqotay shirkad  la sheegay in shatigeeda ay isticmaashay diyaaraddaas.

Waa arrin lagu farxo inay dowladda durba qaaday tilaabo looga horatagayo xadgudubkaas, kana shaqeeneyso in aysan mar kale dhicin xadgudubkan oo kale.

Dhinaca kale, waxaa is weydiin mudan iyadana, maxaa laga yeelayaa mas’ uuliyiintii dowladda iyo kuwii maamul goboleedyada ee si bareer ah u baal maray sharcigii Dowladda soo rogtay iyagoo matalaya umadda Soomaaliyeed.

Adduunyada, sharciyada caalamiga ah ee dowladi soo rogto cidda baal martaa waxay ka dhigantahay inay geysatay xadgudub iyo sidoo kale qiyaano qaran, waxaana lagu ridaa xukunno adag .

W/Q. Abdinasir Safaana

Email: Safaanahaji@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Israa’iil oo soo celisay musiibadii Abu Ghraib iyo Dunidda oo aamusan !

Cabdi Cade

Robert Mugabe oo hadal yaab leh ka sheegay doorashada beri ka dhaceysa dalkiisa

Caydiid Ali

Ciidamada NISA oo fuliyay howlgal dad kala duwan lagu soo qabtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---