Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada federaalka Soomaaliya oo loogu deeqay 73-Milyan oo Dollar

Dowlada Jarmalka ayaa ugu deeqday dowlada federaalka Soomaaliya 73-Milyan oo Dollar, lacagtan ayaana lagu taageeri doonaa Hay’adaha maaliyeed ee dowlada iyo sidoo tababaro lagu abuurayo xirfado kala duwan.

Safiirka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Amb Annett Gunther ayaa shalay balan qaaday lacagtan dowladiisa ugu deeqday Soomaaliya xili uu hadal ka jeedinayay munaasabd lagu xusayay maalinta midnimada Jarmalka oo  lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Amb Annett Gunther ayaa shaacisay in lacagtan dowladiisa ku taageereyso Soomaaliya ay bixineyso labada sano ee soo socota, waxa uuna sheegay in la xoojinayo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ka dhaxeeya.

“Innagoo ku taageereynna Soomaaliya waddada ay hayso, Germany waxay sare u qaadeysaa taageerada horumarineed iyo iskaashiga waxayna dowladda Jarmalku ku deeqeysaa Soomaaliya $73 million labada sano ee soo socota,” ayey tiri Gunther.

Lacagtan dowlada Jarmalka ugu deeqday Soomaaliya ayaa wax looga qaban doonaa kobaca dhaqaalaha dalka , xirfadaha horumarineed oo loo sii-marayo tababarro ku saabsan farsamooyinka gacanta iyo xirfadaha waxbarasho ee dhalinyarada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Iska Hor imaad khasaaro nafeed geestay oo ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha

Cabdi Cade

C/raxmaan C/shakuur: “Beesha caalamku waxay u turbaan tumayaan Farmaajo”

Caydiid Ali

Booliiska oo Muqdisho ku qabtay waxyaabaha Maanka-dooriya iyo ninkii watay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---