Allbanaadir.com
NEWS

Xil ka qaadis lagu sameeyay labo masuul iyo Xiisad ka dhalatay

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa wareegto uu soo saaray xilka looga qaaday Gudoomiyihii iyo Duqii degmada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan.

Wareegtada ayaa xilka looga qaaday Guddoomiyihii degmada Buulo-Burde C/Casiis C/llaahi Cabdi (Duuroow) iyo duqii degmadaas Maxamed Fiidow Cawaale, waxaana wareegtada lagu magacaabay Gudoomiye KMG ah.

Sida aan wararka ku helnay xil ka qaadista ayaa timid kadib markii masuuliyiintan ka biyo diideen in Golle Deegaan loo sameeyo Degmada Buulo Burte, waxa ayna codsadeen in marka hore Golle deegaan loo dhiso magaalada Baladweyne.

Xiisad ka dhalatay xil ka qaadista Gudoomiyah iyo Duqa degmada Buulo Burte ayaa laga dareemayaa degmadaasi, labada masuul ayaana la sheegay in aysan raali ka aheyn xil ka qaadista lagu sameeyay.

Related posts

Booliska Muqdisho oo soo qabtay nin baxsad ahaa oo kiis adag loo heysto (Sawirro)

Caydiid Ali

Kenya oo Xabsi kasii deysay nin katirsanaa Al Shabaab oo Xabsi Daa’in horey loogu riday

Cabdi Cade

Saalada Qaliinka Isbitaalka Demartiino oo dib loo dhisay xarigana laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---