Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW hore oo sheegay inuu dhisayo xisbi Mucaarad ah oo hal arrin kaga duwan kuwa hadda jira

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa shaaciyay inuu sameysan doono Xisbi Mucaarad ah oo ka mid noqonaya Asxaabta Siyaasada ee ka jira Wadanka.

Geeddi oo ka hadlayey Munaasabad maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho oo lagu taageerayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa xusay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono Xisbigan oo isagu uu hogaamiye ka yahay, isla markaana loo dhameystiray shuruudihii looga baahnaa.

Cali Maxamed Geedi ayaa tilmaamay in furashada xisbiyada siyaasadeed ay sharci yihiin, ayna Baarlamanka Soomaaliya ansixiyeen, iyadoo xisbiyo fara badan la diiwaan geliyey illaa hadda.

“Xisbigaygu waa xisbi Mucaarad ah balse aan la mid aheyn kuwo hadda ka jira dalka, wuxuuna noqon doonaa mucaarad wax dhisa oo aan caqabad ku aheyn madaxda dowlada federaalka” ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi oo ka mid ah la taliyeyaasha Madaxweynaha Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biden oo shalay un ogaaday in Lloyd Austin isbitaal la dhigay iyo dood ka dhalatay

Cabdi Cade

War-murtiyeed laga soo saaray Wadahadaladii Jabuuti ku dhax maray DFS iyo Somaliland

Cabdi Cade

Dowlad goboleed cusub oo laga abuuray dalka Itoobiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---