Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Xulka deg. Waaberi oo sanadkii 5aad gaaray finalka tartanka degmooyinka Muqdisho

Iyadoo heer gebogebo ah uu marayo tartanka ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir oo todobaadyadii la soo dhaafay si xiiso badan uga socday garoonka Ing. Yariisow ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa galabta ciyaartii finalka u soo gudubtay kooxda ku ciyaareysay degmada Waaberi oo ciyaar adag ay dhexmartay kooxda kubada cagta degmada Shingaani.

Ciyaartoyda labada degmo ayaa soo bandhigay ciyaar adag oo aad u xiise badan, iyadoo 90kii daqiiqo ee loogu talo galay ay ku soo dhamaatay barbardhac 0-0, waxaana rigoorayaal 4-3 ah ku soo baxay xulka degmada Waaberi.

Waa sanadkii shanaad ee xiriir ah oo kooxda degmada waaberi ay soo gaarto ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka degmooyinka, iyagoo afartii jeer ee hore labo ka mid ah ku guuleystay horyaalka degmooyinka, halka labada jeer ee kale laga qaaday.

Kooxda kubada cagta degmada Waaberi oo heysata isla markaana difaacaneysa koobka degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ciyaarta finalka la hardami doonta tii soo baxda kooxaha degmooyinka Xamar jajab iyo Dharkeynley oo beri ciyaar semi final ah fooda isku dari doona, waxaana xulka degmada waaberi ay ku rajo weyn yihiin iney markii 3aad oo xiriir ah ku guuleystaan koobka kubada cagta degmooyinka hadii uusan nasiibku ka hiilin.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sanadkii hore kooxda kubada cagta degmada Waaberi gudoonsiiyey koobka degmooyinka gobolka Banaadir oo ay ku guuleysteen, iyadoo degmada waaberi ay tahay degmo facweyn oo taariikh ku leh isboortiga, waxaana ka soo baxay ciyaartoy badan oo illaa heer qaran ku metelay Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo codsi xasaasi ah u diray Putin

Caydiid Ali

(Akhriso) Dowlad degaanka Soomaalida oo shaaciyay in la soo afjaray weerarkii Al-Shabaab

Caydiid Ali

(Akhriso) War-Murtiyeed laga soo saaray Shirweynihii Culimada Soomaaliyeed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---