Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin Farshaxan-yaqaan ah oo Dad badan ka yaabsaday !! (Daawo Sawirada)

Farshaxan-yaqaan u dhashay dalka Portugal ayaa leh hibo dadka qaarkiis la dhinac-simayaan awood-dabiici ah. Wuxuu shaki gelin karaa dhugashada hore ee aragtida indhahaada. Wuxuuna kugu qasbayaa inaad mar labaad ku laabato si aad u hubsato.

Isaga oo 14 jir ah ayaa soo bilaabay xirfadda farshaxanka, Rodrigo Miguel Sepulveda Nunes, oo hadda 36 jir ah. Sannadkii 2007 ayuu bilaabay inuu u shaqeysto si madax bannaan kaddib markii uu dhameeyey wax-barashadiisa kuleejka.

Waxaa loo tix-geliyaa mid kamid ah farshaxan-yaqaanada adduunka ugu hibada sarreeya.

Rodrigo ma ahan Portugese-ka kaliya ee farshaxanka caan ku ah. Waxaa jira Odeith oo ah mid kale oo si qurux badan gidaarada u saari kara sawirro cajiib leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkii Dowlada Federaalka iyo Maamul goboleedyada oo goordhaw Furmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Danab oo gacanta ku dhigay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Xamse Barre oo booqday xarunta Machad Cilmibaaris oo kuyaalla Masar (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---