Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Xasan Yacquub oo laga qaaday xilkii uu u hayay Al Shabaab 

Maamulka Guud ee Al Shabaab ayaa xilkii ka qaaday Sheekh Xasan Yacquub Cali oo in ka badan shan sano ahaa Gudoomiyihii Al Shabaab ee gobolka Galgaduud, waxaana Gudoomiyaha gobolkaasi loo magacaabay Masuul cusub.

Munaasabad ka dhacday magaalada Ceelbuur ayaa looga dhawaaqay isbadalka lagu sameeyay maamulka Al Shabaab ee gobolka Galgaduud, waxaana munaasabadaasi xilka kula kala wareegay Gudoomiyihii hore ee Galgaduud iyo midka cusub .

Sheekh Cabdullaahi Abuu Khaalid ayaa loo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Galguud u qaabilsan Al Shabaab, waxa uuna Abuu Khaalid balan qaaday in wax badan ka qaban doono gobolka Galgaduud.

Al Shabaab ayaa maamusha Degmooyin badan oo katirsan gobolka Galgaduud, waxaana Al Shabaab gobolkaasi ku leedahay awood xoogan marka loo eego gobolada kale ee kooxdaasi kataliso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaasha Saldhigyada Booliiska Gobolka Banaadir oo isbadal lagu sameeyay

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo ka qeyb gashay Shir Muhiim ah oo ka dhacay Rabat (Daawo Sawirada)

admin

Sargaal kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

admin
Taboola Ads ---