Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ergedii nabadaynta gobolka Sanaag, ayaa maanta is Af-garad buuxa ka gaadhay soo af-jaridda dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo Jabhada uu hogaaminayay Col Caare.
Kulan uu madaxweynuhu la qaatay ergadan, ayaa la iskula qaatay in si degdeg ah loosoo af-meero arrinta ka taagan deegaanka buuraleyda waqooyi ee gobolka Sanaag, islamarkaana wada-jir loo taageero nabadda iyo deggenaanshaha gobolka, isaga oo madaxweynuhu danta guud u aqbalay inuu cafiyo ciidamada ku sugan halkaas ee faraha la galay falalka liddiga ku ah nabadgelyada isla markaana la qarameeyo.
Salaadiin, cuqaal iyo waxgarad ayaa madaxweynaha la qaatay in dhammeeyo dhibaatadaas, waxana uu madaxweynuhu shaaca ka qaaday in xukuumadu diyaar u tahay adkaynta nabada iyo horumarka gobolka, isaga oo caddeeyey inaan cidina ka sarrayn shuruucda u dejisan, islamarkaana aan la baalmari karin Dastuurka Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu guddida u sheegay inuu nabadda darteed diyaar u yahay inuu awooddiisa ku meelmariyo wax kasta oo arrintaas lagu soo afmeerayo, waxana uu yidhi, “Hawsha inta xilka aan hayo ee madaxweynuhu oggoshahay ee aan awooddeeda leeyahay waan qaadanayaa oo waan fulinayaa.”
Madaxweynuhu waxa uu madasha kaga dhawaaqay inuu cafiyey dhammaanba ciidamada la socda Col. Siciid Caarre, isaga oo xusay in Cafis loo fidiyo Siciid Laftiisu u baahan yahay sharciyad la raaco, maadaama ciidamada iyo saraakiishoodu kala kiis yihiin, “Ciidamadu waxa ay u kala qaybsan yihiin saraakiil iyo askar, waana kala kiis, innamada halkaas jooga sarkaalka sare mooyaane intooda kale dhammaantood wax allah wixii qaranku dembi u haystay waan ka saamaxay, sharcigaana ii oggol, laakiin gaashaanlaha sare ee hoggaaminaya waxaynnu u baahannahay inaad iisoo martaan sharci aan ku saamixi karo, qofku markuu xidhan yahay oo dembigii uu qaatay oo uu xabsi ku jiro oo laga fikiro qofkii dembigii wuu ka baxay Saamax iyo qofkii dalka ma joogo,” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.
Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu ergeda nabadaynta gobolka Sanaag ku ammaanay dhabar-adaygga iyo samirka ay arrinta ku wajaheen iyo sida ay uga go’an tahay in nabad waarta laga gaadho arrinta gobolka Sanaag, isaga oo ku adkeeyey in gacmaha la isu qabsado sidii loo soo gebo-gebayn lahaa shaqaaqada soo noqnoqotay ee deegaannada Ceel-Afweyn.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com