Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa dhacaya, haddii Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre la hashiiyaan Kenya?!

Horta, ma ogtahay inta badan kuwa siyaasiyiinta dowladda mucaaradka ku ah inay yihiin badankood kuwo horay xilalkooda ugu soo fashilmay! Ogidee is moogeysii!.

Hadda, waxay Farmaajo iyo Kheyre ku heysteen inay ku fashilmeen xilalkooda, dastuurki ay ku tunteen, sidoo kale aysan waddanka waxba ka qaban. Laakin weli ma ka maqasheen iyagoo dhahaya waa shisheeye kaalkaal?! Marna!

Yeelkeede, iyagu hadda waxay garab ka dhiganayaan dalal shisheeye si loo mucaarado dowladda Soomaaliya, tiiyoo ay ugu darantahay inay Kenya garab ku siinayaan ku xadgudubka qarannimada Soomaaliya, xilli ay labada dowladooda ka dhaxeyso dagaal soohdimeed oo maxkamad leysla taaganyahay.

Waxaan is weydiiyay,” Haddii ay Farmaajo iyo Kheyre la hashiiyaan Kenya maxaa dhacaya?”

Sida lawada ogyahay, Kenya waxay dooneysaa in kiiska badda Soomaaliya wada hadalo lagu dhameeyo halki lagu xalin lahaa Maxkamadda adduunka ee Heeg, laakin arrinkaas waxaa gaashaanka u daruuray dowladda Soomaliya oo ku adkeysatay in maxkamadda lagu kala baxo.

Waxaan is weydiiyay, haddii madaxda dowladda la hashiiyaan Kenya, una yeelaan codsigooda ku aadan in kiiska badda Soomaliya wada hadal lagu dhameeyo, ama keliya ay ogolaadan in hal sano dib loo dhigo, laakin sharuud kaga dhigaan inay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Jubaland. Bal malee waxa dhici lahaa?!

Sida ay horay ugu diiday ina mucaaradka dowladda ugu shiraan dalkeeda ayaa haddana waxaa dhici laheyd go’aan ka dhan ah dhamaan cid kastoo dowladda mucaaradsan, sidoo kale waxaa halkaasi ku banjari lahaa awoodi Axmed Madoobe Kismaayo ku joogo.

Yeelkeeda, kuwa hadda Kenya kula safan xadgudubyada qaranka Soomaliya, waxay safaf usoo geli lahaayeen shirar jaraa’id oo ay ku mucaaradayaan madaxda dowladda iyagoona ku eedeyn lahaa inay dalka iibsadeen qarannimadana ku xadgudbeen, xilli qaarkood ay sabab u yihiin muranka haatan ka dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Qaar badan oo hadda u sacaba tuma siyasiyiinta mucaaradka ayaa wadaniyiin noqon lahaa daba dhilifna ku tilmaami lahaa Farmaajo iyo Kheyre.

Ma waxaa jira qiyaano qaran ka weyn in dalkaaga iyo dowladdaada qiyaanto adigoo adeegsanaya dalal shisheeye.

Ma xad gudub ka daran ayaa jira  in duulimaad dowladda Soomaaliya mamnuucday sida caalamkaba ka jirta inaad ka doorato mid shisheeye ku doonayo inuu ku dumiyo sharciga qannimada Dowladda Soomaaliya.

W/Q  Abdinasir Safaana

Email: Safaanahaji@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wax ka ogow Muhiimada Soomaaliya u leeyahay Cunaqabateynta hubka ee laga qaaday

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo maka adkaaday dowlada Kenya mise ? (Falanqayn)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada : Xuska Maalinta Caalaniga ee Bedqabka Cunada Aduunka oo Muqdisho lagu qabtay

Cabdi Cade