Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Amniga Jubbaland iyo Sargaal Ciidan oo maanta Maxkamad lasoo taagay

Waxaa maanta Maxkamada gobolka Banaadir lasoo taagay Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan), oo maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa xabsi kuyaala magaalada Muqdisho.

Sida aan Wararka ku helnay Wasiirka Amniga Jubbaland waxaa maxkamada Gobolka Banaadir lala soo taagay Buulle Aadan Maxamed oo taliye ciidan kasoo noqday Degmooyinka Doolow iyo Gedo.

Wasiir Janan iyo Sargaalkan Maxkamada lasoo taagay ayaa loo heestaa dambiyo dhinaca bini’aadanimada ka dhan ah ay ka geesteen degmada Doolow ee gobolka Gedo xili ay halkaasi ka talinayeen.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Dambiyada loo heesto labadan xubnood ay kamid yihiin dilal loo geestay dad aysan Maxkamad xukumin oo ku xirnaa xabsi kuyaala magaalada Doolow.

Wasiirka Amniga Jubbaland iyo sargaalkan ciidan ayaa markii ugu horeesay Maxkamad loo soo taagay dambiyadan lagu soo eedeeyay, waxaana la filayaa in mar kale kasoo hor muuqdaan Maxkamada qaadaya kiisaska dacwo ee loo heesto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee Ku Timid in Madasha Qaran ay Hal Xisbi iyo Hal Murashax Yeelato 2020?

Cabdi Cade

Dhaqtar Caan ka ah Muqdisho oo goordhaw la dilay iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Muxuu Axmed Madoobe kala hadlay Guddiyada doorashada FEIT & SEIT Jubaland? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---