Allbanaadir.com
NEWS

Dacwad ka dhan ah Xukuumada Soomaaliya oo loo gudbiyay Maxkamada sare ee dalka

Xisbiga Himilo Qaran uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dacwad ka dhan ah Xukuumada Soomaaliya u gudbisay Maxkamada sare ee dalka.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan oo Warbaahinta kula hadlay Warbaahinta ayaa shaaciyay in Maxkamada sare ee dalka u gudbiyeen dacwad ka dhan ah Xukuumada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Senator Ilyaas in dacwada ay ka gudbiyeen Xukuumada Soomaaliya ay salka ku heyso is hortaagii Xukuumada ku sameesay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed xili uu kusii jeeday magaalada Kismaayo.

Senator Ilyaas Cali Xasan ayaa sheegay in Xisbiga go’aansadeen in dacwad ka gudbiyaan Xukuumada Soomaaliya maadaama iyadu bixisay amarkii sharci darada ahaa ee Sheekh Shariif loogu diiday in uu Kismaayo ku tago.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan xayirtay diyaarad Sheekh Shariif geyn laheyd magaalada Kismaayo oo qorshuhu ahaa in uu u tago Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland ee dowlada aysan aqoonsaneyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh: “Fahad Yaasiin wuxuu dalka ka wadaa dumin Siyaasadeed, kamana yeelayno”

Caydiid Ali

DF oo ka hadashay halka uu marayo qorshaha wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab

Caydiid Ali

James Swan oo ka faahfaahiyey shirka Xalane iyo qaabka ay QM u abaabuleyso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---