Waxaa saakay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ka dhacay iska hor Imaad u dhaxeeyay ciidamada booliiska Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan degmadaasi gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti.
Sida aan wararka ku heleyno dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada booliiska iyo maamulka degmada Jalalaqsi diideen in la damiyo shirkadaha Isgaarsiinta ee degmadaasi kadib amar kasoo baxay saraakiisha AMISOM.
Ciidamada AMISOM ayaa doonayay in howlgal miino baaris ah ka sameeyaan degmada Jalalaqsi sidaas darteydna amreen in la damiyo shirkadaha isgaarsiinta, waxaana amarkaasi diiday booliiska ka howlgala degmada Jalalaqsi iyo maamulka.
Iska hor imaad ayaana degmada Jalalqsi ku dhax maray ciidamada booliiska iyo kuwa AMISOM, waxaana la sheegay in booliiska banaanka uga baxeen magaalada ayna la wareegeen ciidamada AMISOM taliska booliiska iyo xarumaha maamulka.
Dadka ku dhaqan degmada Jalalaqsi ayaana isugu so baxay banaan bax ay uga soo horjeedaan amarka ciidamada AMISOM iyo iska hor imaadka halkaasi ka dhacay, waxa ayna dadka gubayeen taayaro iyagoona xiray wadooyinka qaar.
Xaalad kacsanaan ah ayaana wali laga dareemayaa degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, waxaana socda dadaalo lagu doonayo in xiisada ka dhalatay iska hor imaadka la xaliyo lana soo celiyo deganaanshaha degmadaasi.