Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia oo dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay QM ka dib dayuuradii Kismaayo ku degtay

Dowladda Soomaaliya ayaa caawa QM u gudbisay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya, iyadoo ku eedeyneysa iney ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee duulista hawadda.

Arintan ayaa timid kaddib markii maanta dayuurad ka soo duushay magaalada Nairobi oo siday xildhibaano iyo masuuliyiin Soomaali ah ay si toos uga degtay magaalada Kismaayo taasoo jebisay xanibaad dowlada federaalku horey ugu soo rogtay Magaaladaas.

Soomaaliya ayaa dacwadan geysay waaxda Qaramada Midoobey u qaabilsan duulista Hawadda ee ICAO sida ay sheegeen Masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somalia.

Dayuuradan ayaa lagu wadaa in sidoo kale magaalada Garoowe ka soo qaado beri wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland oo lagu wado inay ka qeyb galaan Munaasabada caleemo saarka Axmed Madoobe.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dayuuraddan ay adeegsatey shatiga shirkada dayuuradaha Jubba Airways, gaar ahaan waxaa loo yaqaanno Shahaadada Howlgalka Hawada (Air Operating Certificate ama AOC).

Hay’adda Duulista Rayidka Kenya ee Kenyan Civil Aviation Authority (KCAA) ayaa la sheegay inay dayuuraddan u jartay Notice to airmen (NOTAM) oo ah u fasixidda dayuuradda ee hawada ama ka joojinteeda, iyadoo aan la xiriirin dhiggeeda Somalia ee SCAA, taasoo meel ka dhac ku ah madax bannaanida Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo gubtay 7-gaari oo xamuul siday iyo Dowlada oo War kasoo saartay

Cabdi Cade

Xasan Shiikh “Qaraxa, dilka & maatada la gumaaday lacagta aad bixisay ayaa sababtay“

Caydiid Ali

Caro xoogan oo ka dhalatay Oday 91-sano jir ah oo xil loo magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---