Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Sabriye & wafdi uu horkacayo oo dibeda u dhoofay & Xog ku aadan ujeedka safarkooda

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mundane Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka ambabaxay dalka, iyagoo ku sii jeeda Magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wafiga ayaa ka qeyb galaya shirka heerka caalami ah ee guddiga sare ee fulinta hey’adda QM ee qaxootiga adduunka.

Kulankan oo ah kii 70aad aya waxaa iskugu imaan doono dalalka xubnaha ka ah, iyadoo Wasiirku uu ku matali doona Dowlada Soomaaliya.

Waxaa kulanka lagu qaadaa dhigi doonaa arrimaha qaxootiga adduunka, sidoo kalana waxaa lagu ansixin doonaa qorshe sanadeedka iyo miisaaniyadda hey’adda UNHCR.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacaada Quran Online oo fursad Qaliya u haya qurbajoogta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan

Cabdi Cade

Daawo: DF oo soo saartay War ka nixiyey Kenya & Wasiir Beyle oo wajahaya dacwad

Caydiid Ali

Q/Midoobay oo shaacisay tirada shaqaale hor leh oo looga dilay duqeymaha Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---