Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Donald Trump & Kim John Un oo markii Sadexaad ku kulmaya dal ka tirsan Yurub

Madaxda Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay iney dib u billaabayaan wadahadalladiI hakadka uu galay ee ku saabsanaa nuclearka.

Wadahadalkii ugu dambeeyey ee dhexmaray Madaxweyne Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi Kim John un wuxuu ku soo dhammaaday guuldaro.

Wixi intaa ka dambeeyey labada dalba waxay marar badan sheegayeen iney doonayaan wadahadallada iney dib u billaabaan balse ma jirin tillaabbo loo qaaday wadahadalladaasi.

Labada hogaamiye ayaa la shaaciyey inay kulankooda 3aad ku yeelanayaan dalka Sweden inkastoo aan weli la shaacin xiliga uu dhacayo kulankan.

Wadahadalka labada dhinac ayaa ku soo beegamaya maalma un ka dib markii ay Kuuriyada waqooyi tijaabisay gantaal kuwii hore ka duwan oo ay riddadiisu dheer tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in loo midoobo ka hor tagga wararka been abuurka ah

Cabdi Cade

Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi oo hambalyo ku aadan Ciida u diray ummadda Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Wasiir katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo is casilay kana hadlay sababta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---