Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre oo maanta bixiyay lacag lagu dhisayo Buundo burburtay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta bixiyay 317,000 oo doollar oo dib loogu dhisayo buundada degmada Baardheere ee gobalka Gedo, si ay qayb uga qaadato fududeynta isu socodka Bulshada iyo kocobaca dhaqaalaha dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ka Jawaabaya cabasho ka timid bulshda Baardheere oo dhibaata badan ku qabay burburka buundada, ayaa sheegay in madaxda qaranka ay yihiin adeegayaasha bulsahda, lagama maarmaanna ay tahay in baahiyaha bulsada wax looga qabto sida ay u kala muhiimsanyihiin iyo hadba inta ay la ektahay awoodda dowladda.

Qaar kamid ah xildhibaannada labada aqal oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre kusoo booqday xafiiska, ayaa uga mahad celliyay ka jawaabidda baaqa bulsahda iyo bixinta lacagta dib loogu dhisayo Buundada Baardheere oo muhiim u ah dib-u-kabashada dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga, fududeynta isu socodka, amniga iyo deb-qabka dadka iyo gaadiidka safarka ah.

Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta kobcinta dhaqaalaha dalka, ayaa horay u ballan qaaday soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale oo dalka u horseeda horumarka iyo barwaaqada ay bulshada Soomaaliyeed tiigsanayso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw lagu weeraray Maqaayad kutaala Muqdisho

Cabdi Cade

DAAWO TOOS: Munasabad looga dhawaqayo deyn cafinta Somalia oo ka socota New York

Caydiid Ali

Shirkada Somtel oo Muqdisho ku Daah furtay Adeega cusub ee Muraad (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---