Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo diiday in ay Ceyriso Wakiilka Dowlada jabuuti u jooga Hargeysa

Maamulka Somaliland ayaa ka hor yimid codsi uga yimid Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe oo ku aadanaa in deegaanada Somaliland laga ceyriyo wakiilka dowlada Jabuuti u jooga.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Fatatoon ayaa meesha ka saaray hadalka kasoo yeeray Gudoomiyaha xisbiga UCID, waxa uuna hadalkaasi kasoo yeeray Faysal Cali Waraabe ku tilmaamay nin iska hadlay.

” Faysal wuu hadlay, wuxuu ku hadlayeyna waa la arkaayey, ninku wax dambiya muusan gelin, sabab dalka aannu uga saarnaana ma jirto safiirka dalka Jabuuti, kama saarayno, ee waxa  haboon in dacaayadaha la joojiyo,  umadana yaan la khaldin oo yaan waxkasta la buun buunin” ayuu yiri wasiir Yaasiin Xaaji.

Wasiirka arimaha dibadda maamulka Somaliland ayaa sheegay in xiriir walaalnimo oo soo jireen ah ka dhaxeeyo Jabuuti iyo Somaliland, waxa uuna cadeeyay in Madaxweyne Geelle uusan wax cadaawad ah u heyn Somaliland.

Hadalka kasoo yeeray Xukuumada Somaliland ayaa kusoo aadaya xili Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ku eedeeyay Madaxweynaha Jabuuti in uu cadaawad u qabo Somaliland isagoona ku baaqay in Hargeysa laga eryo Wakiilka Jabuuti u jooga.

 

Related posts

Waxqabadka Dhaqaale Ee Bariga Afrika sanadkii 2017 iyo halka Soomaaliya kaga jirtay

Cabdi Cade

Al Shabaab oo la sheegay in ay gubeen tuulooyin dad Shacab ah ku noolaayeen

Cabdi Cade

War uu Cumar Finish kasoo saaray Dilkii Gudoomiyaha Hodan oo si weyn loo dhaliilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---