Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in maamulka Sheekh Axmed Madoobe bilaabay in magaaladaasi kasoo musaafuriyaan dadka aragti ahaan maamulkaasi kasoo horjeeda.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde dowlada federaalka ka celisay dad maamulka Axmed Madoobe si xoog ah uga soo musaafuriyeen magaalada Kismaayo.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka in diyaarad katimid magaalada Kismaayo lasoo saaray dad maamulka Jubbaland xoog uga soo saaray magaalada , waxa uuna tilmaamay in dowlada iyana amartay in dadkaasi diyaaradii soo qaaday dib ugu celiso Kismaayo.
”Kismaayo waxaa ka jira beegsi lagu hayo dad gaar ah , maamulka halkaasi ka jira dad ay si qasab ah deegaanadooda uga soo musaafuriyeen ayaa dowlada dib ugu celisay, dowlada waxa ay ku amartay diyaarad keentay dadkaasi in dib u celiso , dadkaasi la celiyay hadii la dilo waa lagu xisaabtamayaa maxkamad ayaana la isku soo taagaa ”ayuu yiri Jeesow.
Maamulka Jubbaland ayaa horey magaalada Kismaayo uga soo musaafuriyay Odayaal, siyaasiyiin iyo dad kale oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda Sheekh Axmed Madoobe, waxaana dadkaasi badankood lagu soo celiyay Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com