Qoraal kasoo baxay Gudoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in maalinta arbacada ah oo taariikhdu ku beegan tahay 9-ka bisha October ee sanadkan uu furmayo kalfadgiga 6-aad ee golaha shacabka.
Gudoonka Golaha shacabka ayaana ka codsaday Xildhibaanada dalka dibadiisa iyo gobolada ku maqan in ay magaalada Muqdisho yimaadaan kahor 9-ka bishan si ay usoo xaadiraan furitaanka kalfadhiga.