Allbanaadir.com
NEWS

Nin ku fashilmay in Baasaboorka Soomaaliga ku helo mid Yurub ah oo xukun lagu riday

Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Xasan Macow ayaa lasoo taagay Maxkamad kutaala dalka Ireland ,kadib markii lagu helay dambi ah in uu adeegsaday baasaboor Soomaali ah oon sax aheyn.

Xasan Macow ayaa sanadkii 2011-kii isaga oo magan galyo doon ah iska dhiibay dalka Ireland, waxaana ninkan Maxkamada la saaray ku heshay in sanadkii 2016-kii adeegsaday baasaboor Soomaali oo bug ah.

Garsooraha Maxkamadda Eirinn McKiernan, ayaa sheegay in Xasan Macow adeegsaday baasaboor bug ah, waxa uuna garsooraha ku xukumay in uu bixiyo €300 oo lacagta Yuurada ah.

Xasan Macow ayaa sheega in baasaboorka looga soo sameeyay dalka Biljamka uuna lacag ku bixiyay, waxa uuna tilmaamay in uu u heestay mid sax ah balse uusan ka warqabin in baasaboorkaasi bug ahaa.

Maxkamada kutaala dalka Ireland ee lasoo taagay ninkan Soomaaliga ayaa sheegtay in damiin lagu sii daayay Xasan Macow , waxaana loo fasaxay in uu ka dhax shaqeesto basaska magaalada Dublin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Buuq ka dhashay soo jeedin ku aadan Muddo kororsi loo sameeyo Madaxweyne Ruto

Cabdi Cade

Abdirahman Hija Mnubi oo ugu dambeyn isku dhiibay Booliska dalka Kenya

Caydiid Ali

Madaxweyne Xaaf oo Waji cusub lasoo baxay kana laabtay go’aankiisii hore !!

Cabdi Cade