Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gaari ay la socdeen ciidamada Kenya oo miino ay kula kacday degaanka Haluuqa

Ciidamo ka tirsan milateriga dowladda Kenya ayaa qarax lagula eegtay degaanka Haluuqa oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala eegtay gaari ay la socdeen ciidanka Kenya, kuwaasoo ku safrayay inta u dhaxaysa deegaannada Haluuqa iyo Galmagala.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in khasaaro nafeed uu ciidamada Kenya ka soo gaaray qaraxa, inkastoo aan laga heynin tirakoob sax ah, iyadoo goobta ay xireen ciidamada amaanka dalkaas.

Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, iyagoo tilmaamay inay khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur gaarsiiyeen ciidamadaasi Kenya ee ay qaraxa la beegsadeeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo qaaday tallaabo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku….

Cabdi Cade

Sacuudiga oo haweeneydii ugu horeysay u magacaabay xil danjirenimo

Caydiid Ali

DEG DEG: Xamse oo Magacaabay RW ku-xigeen kale & Wasiiro

Caydiid Ali
Taboola Ads ---