Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Asma Cabdalla oo warqadaha aqoonsiga ka gudoontay danjiraha cusub ee Somalia (Sawirro)

Danjiraha cusub Soomaaliya u fadhin doona Dalka Suudaan Maxamed Isxaaq Ibraahim oo dhawaan gaaray Caasimadda Khartuum ayaa maanta Nuqul ka mid ah Warqadiisa Aqoonsiga waxaa ka gudoontay Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Suudaan Asma Cabdalla.

Safiir Maxamed Isxaaq Ibraahim ayaa warbixin kooban ka siiyay Wasiir Asma Cabdalla ka hor inta aysan ka gudoomin Warqadiisa Aqoonsiga Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Labada dal ee Dhan walbo leh isagoo cadeeyay in Dowladda iyo Shacabka Suudaan aysan marnaba ka gaabin wax u qabashada Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Ku sugan Dalka Suudaan, kuwaasoo leh qeybaha kala duwan sida Arday, Ganacsato, Jaaliyad waxuuna intaa ku daray in ka Safiir ahaan balan-qaadayo sidii kor loo qaadi lahaa Xiriirka Diplomaasiyadeed Labada Dal ee Walaalaha ah ka dhaxeeya

Dhanka kale Wasiir Asma Cabdalla ayaa ka gudoontay Nuqul ka mid ah Warqadiiaa aqoonsiga Danjire Maxamed Isxaaq Ibraahim una mahad celisay sheegtayna in ay u rajeysay inuu ka shaqeeyo xiriir wanaagsan oo dhax mara Labada dal oo ahaa mid soo jireen ah.

Danjire Maxamed Isxaaq oo dhawaan ay Dowladda Soomaaliya u soo magacawday Dalka Suudaan ayaa la filayaa in dhawaan Si rasmi ah Warqadihiisa Aqoonsiga uu kaga Gudoomo Cabdi Fitaax Al-Burhaan oo ah Gudoomiyaha Golaha Sare ee dalka Sudan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Jaamacado badan iyo iskolaad kuyaala Muqdisho oo la xiri doono iyo Sababta keeneysa

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo sheegtay in howlgal lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Wiil yar oo 3 cisho ku xaniban Ceel ku yaalla Afghanistan (Dhacdo la mid ah tii Rayaan)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---