Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wiil uu dhalay ganacsade caan ah oo caawa Magaalada Muqdisho lagu dhaawacay

Ciidanka Booliska dowlada Somalia ayaa caawa isgoyska Dabka ee wadada Maka Al-Mukarama ku dhaawacay wiil uu dhalay ganacsadaha Soomaaliyeed ee caanka ah Ismaaciil Cabdulaahi Siyaad (Gooni) ahna milkiilaha hotelka Dayax ee Magaalada Muqdisho.

Wiilkan oo magaciisa la yiraahdo Axmed ismaaciil Gooni ayaa markii ay dhaawaceen ciidamada Booliska waxaa loola cararay Isbitaalka Digfeer oo haatan lagu dabiibayo sida ay sheegayaan wararka na soo gaaraya.

Faahfaahin lagama hayo illaa hadda qaabka uu falkani u dhacay, iyadoo ciidamada Booliska aysan weli ka hadlin, waxaana la sheegay in wiilka la dhaawacay uu in muddo ah joogay magaalada, kana yimid qurbaha.

Dhowaan ayaa Madaxweynaha dalka Indonesia  Joko Widodo ayaa Qunsul sharafeed dowladiisa u fadhinaya Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho u magacaabay Ganacsade Ismaaciil Cabdulaahi Siyaad (Gooni) oo kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ahna wiilka la dhaawacay aabihiis

La soco wixii faahaahin ah ee ka soo kordha   

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Sudan oo ka codsatay dhigeeda Ethiopia Koronto Iib ah

Cabdi Cade

Maxkamadda Caalamiga ee ICJ oo Ganafka Ku Dhufatay Sheekada Khariidada Kenya

Cabdi Cade

Xildh.Cumar Cali Cabdi: “Cashar ayaan maanta u dhignay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---