Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Qaraxyo khasaare nafeed geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan militeriga Soomaaliya ayaa qarax lagula beegsaday inta u dhaxaysa Tabeelaha iyo degaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo ka baxay Magaalada Muqdisho kuna socdaalayay wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa lagu weeraray labo qarax oo loo adeegsaday miinooyin lagu aasay wadada dhinaceeda.

Goob-joogayaal ayaa sheegay inay arkayeen tiro askar ah oo waxyeelo kala duwan ka soo gaartay qaraxyadaas, inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin, waxaana goobta gaaray ciidamo oo halkaas ka daabulay askarta waxyeeladu soo gaartay.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa inta badan waxaa qaraxyo loogu geystaa ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee is ticmaala wadadaas oo haatan qeybo ka mid ah uu ku socdo dib u dhis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga xalinta Khilaafaadka doorashada oo xaqiijiyey in lagu hayo faragelin

Caydiid Ali

Musharaxiin Soomaali ah oo u tartamaya doorashada Xubnaha Baarlamanka Sweden

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey shaqaaqadii garoonka Muqdisho & C/raxmaan C/Shakuur oo..

admin
Taboola Ads ---