Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Weerar Seef loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Kuopio (Daawo Sawirada)

Weerar loo adeegsaday Seef ayaa lagu qaaday iskuul loo dalxiis tago oo ku yaalla magaalada Kuopio ee dalka Finland, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay weerarkan seefta loo adeegsaday halka ay ku dhaawacmeen 10-qof oo kale, waxaana goobta uu weerarku ka dhacay ka kala cararay dadkii ku sugnaa.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in arday seef iyo qoray watay uu galay dhismaha  iskuulka lagu magacaabo Savo college, waxaana ardaygan uu bilaabay in qofkii uu arko la dhaco seefta uu watay oo aheyd mid afbadan.

Booliiska magaalada Kuopio ee dalka Finland ayaa si deg deg ah u gaaray goobta uu weerarku ka dhacay , waxa ayna booliiska iyaga oo rasaas adeegsanaya ku guuleesteen in ay soo xireen ninka weerarka geestay oo dhaawac ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo Baaq u dirtay Beelo ku dagaalamay Deegaanka Laanqaylo

Cabdi Cade

Taliye Xijaar oo sheegay dhibaato oo heesata ciidanka Booliiska ee ka howlgala Muqdisho

Cabdi Cade

Xassan Shiikh & wafdigiisa oo Masjidka xaramka ku soo gutay Cumrada (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---