Allbanaadir.com
NEWS

Madal ay ku mideesan yihiin Dhowr Xisbi oo Muqdisho looga dhawaaqay (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Madal ay ku mideesan qaar kamid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira gaar ahaan kuwa xiligan mucaaradka ku ah dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Hogaanka xisbiyadan maanta halka madal ku midoobay ayaa labadii maalmood lasoo dhaafay kulamo kulahaa magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeyn maanta xisbiyadan ku dhawaaqeen madasha ay ku mideesan yihiin.

Xisbiyada ayaa ku midoobay madal ay ugu magac dareen Mashada Xisbiyada Qaran, waxaana Afhayeenka KMG ah madashan loogu magacaabay Xildhibaan hore C/latiif Muuse Sanyare.

Madashan cusub ee maanta luga dhawaaqay xisbiyada ku midoobay waxaa kamid ah xisbiyada ay hogaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, waxaa sidoo kale ku jira xisbiga uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur .

Isbahaysiga cusub ee midoobay ayaa isku diyaarinaya loolan adag ay la galaan Xisbiga Nabad iyo Nolol ee talada dalka hada haya sidoo kale mar kale damac ugu jiro in mar kale hogaanka dalka sii hayaan afarta sano ee soo socota.

Related posts

Dowlada Kenya oo dib u fasaxday Duulimaadyadii Soomaaliya iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Ma Jiraan Heshiisyo Qarsoodi ah oo uu Farmaajo galay 5-tii sano ee La Soo Dhaafay?!!

admin

Daawo:-Tartamaha xisbiga Dimuqraadiga oo Amaankiisa aad loo adkeeyay & Qaxooti badan oo ku soo qaxay Soomaaliya !!

admin
Taboola Ads ---