Allbanaadir.com
NEWS

Labo Maamul Goboleed oo qaadacay Shirka Caalamiga ee maanta ka furmay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka caalamiga ah ee madasha wada-tashiga Soomaaliya ay ka qeyb galayaan in ka badan 50-dowladood oo daneeya arimaha Soomaaliya iyo Ururo kale.

Soomaaliya waxaa shirkan uga qeyb galaya dowlada federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka ka jira, waxaana shirkan looga hadlayaa arimo badan oo khuseeya Soomaaliya.

Shirkan waxaa qaadacay oon ka qeyb galin maamulada Puntland iyo Jubbaland, waxa ayna masuuliyiin u hadlay labadaasi maamul sheegeen in aysan ka qeyb galeyn ayna qaadacsan yihiin shirkaasi Muqdiso ka furmay.

Wasiirka qorsheynta Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa cadeeyay in Puntland aysan ka qeyb galin shirka ka furmay Muqdisho, waxa uuna tilmaamay in Puntland aan laga qeyb galin wadatashigii hor dhaca u ahaa shirkan sidaas daraadeed u qaadaceen shirkan furmay.

Waxa uu sheegay Wasiirka in shirkan kii ka horeeyay ee lagu qabtay dalka Biljamka aysan ka fulin waxyaabihii lagu balan qaaday, waxa uuna xusay in Puntland aysan dooneyn in markhaati been ah ka noqoto shirkaasi.

Shirkan maanta ka furmay magaalada Muqdisho waxaa sidoo kale qaadacay maamulka Jubbaland , waxaana Wasiirka Maaliyadda Jubbaland oo Warbaahinta la hadlay sheegay in aysan ka qeyb galeen shirkaasi.

Waxa uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Jubbaland C/rashiid Jirre Qalinle in casuumada loo soo diray aan loo soo marin wadadii saxda ahaa, waxa uuna intaa ku daray in shirarkii hore u dhacay aysan waxbo kasoo bixin sidaa darteed aysan ka qeyb galeyn shirkan.

Shirkan maanta ka furmay magaalada Muqdisho ay ka qeyb galayaan dowlado badan iyo Ururo caalami ah ayaa beri gabo gabadiisa la filayaa in laga soo saaro War Murtiyeed ay ku mideesan yihiin ka qeyb galayaasha.

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo la kulmay Wasiirkii Madaxweynaha isku bedelay

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Sidee looga ciiday qaar ka mid ah degaanada ay Al-Shabaab?

Caydiid Ali

Garoon diyaaradeed oo loogu magac daray Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---