Allbanaadir.com
NEWS

Gabar Soomaaliyeed oo katirsaneyd Warbaahinta BBC-da oo geeriyootay

Hanna Yuusuf oo aheyd Gabar Soomaaliyeed oo Wariye ah kana shaqeenaysay BBC-da ayaa la xaqiijiyay in ay geeriyootay, waxaana geerida gabadhan ka hadlay Qoyskeeda iyo maamulka BBC-da.

Fran Unsworth, oo ah madaxa Wararka BBC-da ayaa xaqiijiyay geerida Hanna Yuusuf, waxa uuna sheegay in Hanna ay aheyd gabar firfircoon oo haybad badan ilaah siiyay ayna ka naxeen geerida ku timid.

Qoraal ay soo saareen qoyska Hanna ayey ku sheegeen in ay aad uga naxeen geerida ku timid, waxa ayna tilmaameen in Hanna wax qabadkeedii lagu xasuusan doono uuna dadka u noqon doono dhiiragelin.

Hanna Yuusuf oo aheyd 27-sano jir ayaa la shaqeyn jirtay qeybta wararka lagu qoro bogga wararka ee website-ka BBC-da, luuqada Ingiriiska iyo telefishenka luuqada Ingilishka oo ay soo saare ka ahayd.

Gabadhan Soomaaliyeed oo ka tirsaneyd BBC-da sidoo kale kasoo shaqeesay  Wargeesyo caan ah oo kasoo baxa dalka Britain ayaa la sheegay in ay ku hadli jirtay lix Luqadood ay ku jiraan Soomaaliya, Carabi iyo Ingiriis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baraha Bulshada oo isku bedelay Fadhi-ku-dirirka Casriga !!

Cabdi Cade

Facebook oo sameeneysa bar lagu sheekeesto oo lamid ah Clubhouse

Cabdi Cade

Guddoomiyeyaashii hore ee labada Aqal ee BF oo mar kale is sharxay isna diiwaangeliyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---