Ciidamada booliiska ayaa xiray qaar badan oo kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinka qaar lagu daadiyay ciidamo badan oo amaanka si weyn u adkeenaya.
Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho qaarkood gaar ahaan laamiga Maka Al Mukarama ayaa loo diidayaa in ay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha, waxaana wadooyinkaasi kaliya maraya gaadiidka ciidanka iyo kuwa masuuliyiinta.
Taliye kuxigeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in wadooyinka loo xiray shirka caalamiga ah ee ka furmay maanta Muqdisho, waxa ayna shacabka ka codsatay in ay dulqaad muujiyaan.
”Shacabka G/Banadir waxaa si sharaf leh laga codsanayaa inay inoo dulqaataan intuu socda shirka caalamiga ah oo dartiisa loo adkeeyay isku socodka baabuurta magaalada. Waxaa idiin diyaarinay Ambulance gurmad dag dag ah idinku adeegno. Hadii aad u baahatid gurmad caafimaad dag dag fadlan wac 991 kana codso ciidanka boliiska. Hormarkeena waxuu ka dhashaa wadashaqeyntena” ayey tiri Zakiya.
Shacabka magaalada Muqdisho ayaa la qabsaday xirnaashaha wadooyinka muhiimka ah, waxaana horey dowlada dhagxaan ugu jartay qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho halka sidoo kale koontaroolada laga celiyo in gaadiidka ka gudbaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com