Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaraxyo lagu aasay degaano ka tirsan Sh/hoose oo la fashiliyey (Daawo Sawirro)

Ciidanka Millateriga Soomaaliya ayaa maanta howlgal Miino baaris ah ka sameeyey degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose gaar ahaan wadada isku xirta degmada Aw-dheegle iyo degaanka Bariire.

Howlgalkan ayaa lagu soo saaray miinooyin ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab geliyeen wadadaas sida ay sheegeen Saraakiisha hogaamineysay howlgalka oo la hadlay warbaahinta.

Saraakiishu ma shaacin dad lagu soo qabqabtay howlgalka, balse waxay soo bandhigeen Miinooyin waaweyn oo ay ka soo saareen wadada isku xirta degmada Awdheegle iyo degaanka Bariire oo si weyn loo isticmaalo.

Al-shabaab oo dhowaan lagala wareegay degmooyinka Aw-dheegle, Bariire iyo meelo kale ayaa isku dayeysa iney carqaladeyso isku socodka ciidamada dowladda si ay ugu qasbaan iney isaga baxaan degaanadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo laga arkay bisha Shawal & Madaxweyne Cirro oo hadlay

Caydiid Ali

Xeer Ilaalinta Qaranka oo soo Gabo gabeesay baarista Gal Dacwadeedka Hay’adda Sahan

Cabdi Cade

Maxkamad laashay go’aan lagu xiray saddex iskuul oo Islaami ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---