Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland Eng Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar ayaa wareegto kasoo baxday xafiiskiisa waxa uu Duqa magaalada Laascaanood ugu magacaabay Cabdiqani Makhtal Maxamed Garaad.
Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland ayaa xilka looga qaaday duqii hore ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool Cabdalle Xaaji Warsame.
Magaalada Laascaanood waxaa maamulkeeda gacanta ku haya maamulka Somaliland, waxaa xusid mudan in maamulka Puntland marar badan Gudoomiyaal dibad joog ah u magacabeysay Magaalada Laascaanood.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com