Qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa daqiiqado kahor ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Isgooska Kuliyadda Jaalle Siyaad.
Sida aan wararka ku heleyno qaraxa ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ay wateen ciidamo Talyaani ah oo ka baxay Wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya oo marayay goobta uu qaraxu ka dhacay.
Gaari nuuciisa lagu sheegay NOAH ayaa lagu dhuftay kolonyada ciidamada Talyaaniga xili ay marayeen meel ku dhaw Isgooska Kuliyadda Jalle Siyaad gaar ahaan halka laga galo Suuqa Ariga ee Dayniile.
Mid kamid ah gaadiidka ciidamada Talyaaniga wateen ayaa waxyeelo kasoo gaartay qaraxa, waxaa sidoo kale lasoo sheegayaa in waxyeelo soo gaartay qaar kamid ah ciidamada Talyaaniga ee qaraxa lagu weeararay.
Qaraxn waxaa sidoo kale waxaa ku dhintay dhowr qof oo shacab ah kuwaa oo qaarkood aanan jidkooda la aqoonsan karin, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dhowr qof oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay iyo kuwa ku sugnaa Suuqa Ariga.
Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa milatariga oo kasoo baxay Wasaarada Gaashaandhiga ayaa xiray aaga uu qaraxu ka dhacay, waxaa sidoo kale goobtaasi daqiiqado badan ku sugnaa ciidamada Talyaaniga ee qaraxa lala eegtay.
Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad oo ciidamo Talyaani ah lagula beegsado isla aagaasi, qaraxan oo kale oo dhaliyay khasaaro badan ayaa sanadkii hore lala eegtay kolonyo Gaadiid Talyaani xili ay marayeen goobta maanta lagu qarxiyay.
Waxii Warar ah dheeraad ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha AllahÂ